Saturday 26 October 2019

Mucaaradka soomaaliya

mucaaradka soomaliya waa sadex qeeyb oo kala ah
1- axsaab siyaasadeed
2-qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka
3-siyaasiyiin madax banaan oo saameeyn ku dhex leh bulshada

Xisbiyada siyaasadeed dalka waxay ka hirgaleen xilligii dowladihii ku meelgaarka ahaa ee dalka soo maray intii u dhexeeysay 2000-2012 ujeedka xisbiyada siyaasadeed waa in ay badal u noqdaan nidaamka awood qaybsiga ee ku saleeysan habka 4.5 ka laakiin wali waxaa muuqata in qabiilku saameeyn ku leeyahay xisbiyada dalka ka jira.

Xilligaan waxaa dalka ka jira xisbiyo badan laakiin waxan soo ban dhigeeynaa kuwa ugu saameeynta badan:
XISBIGA UPD ee uu hogaamiyo madaxweeynihii hore soomaaliya mudane XASAN SHEEKH MAXAMUUD xisbigaan ayaa leh saameeyn siyaasadeed oo aad u xoog badan waana mid aad u mucaarada dowlada soomaaliya rajaddiisa waa inuu ku guuleeysto doorashada 2021 da.
Xisbigaan waxaa xubnihiisa ka mid ah xildhibaano badan ee labada golle ee baarlamaanka.
Dadka caanka ah ee ku jira xisbigaan waxaa ka mid ah gudoomiya ku xigaanka koowaad ee golaha sare abshir bukhaari iyo xildhibaan cabdiraxmaan odowaa.

XISBIGA HIMILO QARAN ee uu hogaamiyo madaxweeynihii hore soomaaliya mudane SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED xisbigaan markii hore waxa lagu tilmaami jiray qunyar socod laakiin xilliyadii danbe ayuu la soo baxay mucaaradnimo xoogan xisbigaan shacbiyad xoogan ayuu ku dhex leeyahay bulshada soomaaliyeed dal iyo dibadba. Xisbigaan hogaamiyaashiisa waxa ka mid ah gudoomihii hore ee golaha shacabka mudane JAWAARI.

XISBIGA WADAJIR
Xisbigaan waxaa hogaamiya siyaasiga cabdiraxmaan cabdishakur warsame
Xisbigaan ayaa ah kan ugu mucaaradsan xisbiyada dalka ka jira wanaa mid markasta dhaliila siyaasada xukuumada soomaaliya xisbigaan ayay rajadiisu tahay inuu ku guuleeysto talada dalka 2021. Xubnihiisa waxaa ka mid kamaaludiin daahir guutaale oo ah musharax madax weyne maamulka galmudug.

XISBIGA ILEYS
Xisbigaan waxaa hogaamiya xildhibaan cabdiqaadir cali cosoble waana xisbi mucaarad ku ah xukuumada hadda jirta.

La soco qaybta labaad mahadsanid